:: Welcome --- Simba | News in Somali

Sarkaal ka tirsan booliska dowladda KMG ah oo toogasho lagu dilay koonfurta Baydhabo
Posted on: Khamiis, 14 January 2009 - Simba, Baydhabo

Sarkaal ka tirsan ciidamada booliska dowladda KMG ah waxaa lagu toogtay deegaanka Awdiinle oo qiyaastii 30km dhanka koonfur kaga toosan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay.

Sarkaalkan oo magaciisa lagu sheegay Xasan Isaaq ayaa waxaa uu geeriyooda ka dib markii koox hubeysan ay kala dageen gaari uu saarnaa, goob joogeyaal ayaa u xaqiijiyey wariyaha idaacadda Simba.

Gaariga ayaa la sheegay in uu ka ambabaxay magaalada Baydhabo, waxaana sarkaalka la toogtay ka dib markii lagu arkay bastoolad uu sitay, ka dib markii koox hubeysan ay baaritaan ku sameeyeen gaarigan oo ahaa nooca xamuulka qaada.

Ma jiro war ka soo baxay saraakiisha ciidamada dowlada KMG ah ee magaalada Baydhabo si ay uga hadlaan falkan lagu dilay sarkaal ka tirsanaa ciidamada booliska dowladda KMG ah, iyadoo kooxdii geysatay dilkan ay gooba ka tageen.

| Contact
 
Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani