:: Welcome --- Simba | News in Somali

Dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab oo cadeeyey in aysan la wareegi doonin xarumihii ay baneeyeen Itoobiyaanka
Posted on: Khamiis, 14 January 2009 - Simba, Muqdisho

Afhayeenka dhaq dhaqaaqa hubeysan ee Al-Shabaab, Sheekh Mukhtaar Roobow - Abuu Mansuur - ayaa shir jaraa'id ku qabtay gudaha magaalada Muqdisho fiidkii, wuxuuna ka hadlay isbedelada cusub ee ka bilawday magaalada Muqdisho.

Abuu Mansuur, waxaa uu shaaca ka qaaday in aysan qabsan doonin oo fariisimo ay ka dhigan doonin xarumaha ay banaayeen ciidamada Ethiopia, taasoo uu ku tilmaamay in ay keeni karto isku dhac iyo khilaaf ka dhex abuurma iyaga iyo xoogaga haatan la wareegay qaar ka mid ah xarumahaasi.

Waxaa kaloo uu sheegay in ay sii wadi doonaan weerarada ka dhanka ah ciidamada Ethiopia ilaa gebi ahaanba dib uga baxayaan Somalia, isagoona ka digay jabhado uu sheegay in ay sameyneyso dowladda Ethiopia gudaha Somalia, sida uu hadalka u dhigay.

Erayadan ka soo yeeray Abuu Mansuur, afhayeenka Al-Shabaab ayaa waxaa ay ku soo aadayaan xilli mar kale ay ciidamada Ethiopia ay isaga baxeen qeybo ka mid ah fariisimaha waa weyn ay ku lahaayen gudaha Muqdisho, iyadoo xarumahaasi qaarkood ay la wareegeen xoogag taabacsan Maxkamadaha Islaamiga.

| Contact
 
Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani