Xukuumadda Washington oo wada qorshe ciidamo caalami ah loogu soo daabulayo gudaha Somalia
Posted on: Talaado, 13 January 2009 - Simba, USA
Dowladda Mareykanka ayaa qaraar qabyo ah waxay u gudbisay golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay kaasoo lagu raadinayo ciidamo caalami ah oo loo soo diro Somalia ka dib markii Ethiopia ay bilawday in ay dib ula baxdo ciidamadeeda.
Qaraarkan ayaa taageero waxaa uu ka heystaa xoghayaha arrimaha dibadda Mareykanka, Condeleeza Rice, iyadoo ujeedada uu yahay sidii loo dhameystiri lahaa ciidamada Amisom ee ku sugan Somalia, kuwaasoo labu biirinayo ciidamo ka socda golaha Ammanka.
Qaraarka ayaa waxaa loo qeybiyey wadamo xumo ka ah golaha Ammaanka, kuwaasoo lagu booriyey in ay gacan ka geystaan ciidamada loo soo dirayo Somalia, si wax looga qabto ammaanka.
Diblumaasiyiin caalami ah ayaa waxaa ay tilmaameen in qaraarkan uu yahay mid suutogal ah in uu meel maro maadaama uusan qaraarku fasaxeynin in la adeegsado awood si wax looga qabto xaaladaha. |