:: Welcome --- Simba | News in Somali

Dagaal xoogan oo ka bilawday qeybo ka tirsan degmada Kaaraan ee magaalada Muqdisho
Posted on: Talaado, 13 December 2009 - Simba, Muqdisho

Dagaal xoogan ayaa goor dhoweyd waxaa uu ka bilawday qeybo ka tirsan degmada Kaaraan ee waqooyiga magaalada Muqdisho, iyadoo tiro madaafiic ah ay kudhaceen xarumo ku yaala gudaha degmadaasi.

Dagaalkan ayaa waxaa uu ka soconayaa hareeraha saldhigga ciidamada dowladda KMG ah ee degmada Kaaraan, ka dib markii halkaasi lala eegtay weeraro xoogan.

Dagaalka oo weli soconaya ayaa waxaa la ogeyn qasaaraha soo gaaray dadka shacabka ah iyo weliba dhinacyada dagaalamaya, iyadoo uu saameyn ku yeeshay dhaq dhaqaaqa dadweynaha ee degmada Kaaraan.

Wixii soo kordha kala soco wararkeena dambe ee Radio Simba iyo www.simbanews.com

| Contact
 
Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani