Guddiga xalinta khilaafaadka oo ka digay xarumihii ay ka guureen ciidamada Ethiopia in aan lagu deg degin
Posted on: Talaado, 13 December 2009 - Simba, Muqdisho
Guddiga Culuma Udiinka ee isku taagay in uu xaliyo khilaafka soo kala dhexgalay xoogaga dagaalama ayaa maanta shir jaraa'id u qabtay qaar ka tirsan warbaahinta gudaha, waxayna ka hadleen arargitidooda ku wajahan ka bixitaanka ciidamada Ethiopia ee xarumihii ay ka deganaayeen gudaha Muqdisho.
Guddiga ayaa waxaa uu digniin u jeediyey xoogaga dagaalama in ay ku kala hormaraan qabsahada xarumihii ay baneeyeen ciidamada Ethiopia, taasoo uu xusay in ay tahay talaabo aan sax aheyn, loona baahan yahay laga shaqeeyo sugidda ammaanka.
Sheekh Bashiir Axmed Salaad, gudoomiyaha guddigan ayaa shacabka sidoo kale wuxuu uu uga digay in aysan ku deg degin xarumihii ay ka guureen ciidamada Ethiopia, taasoo uu tilmaamay in ay ka dhalan karaan waxyaabo qatar gelin kara nolasha dadka shacabka ah.
"Waxaan shacabka uga digeynaa in ay iska ilaaliyaan xarumaha ay ka guureen cadowga" ayuu yiri Sheekh Bashiir Axmed Salaad, gudoomiyaha guddiga xalinta khilaafaadka.
Baaqan ayaa waxaa uu yimid ka dib markii ciidamada Ethiopia ay baneeyeen xarumihii ugu waa weynaa ee ay ka deganaayeen gudaha magaalada Muqdisho saacadihii la soo dhaafay, waxaana la filayaa in sidoo ay ka baxaan xarumaha ay weli ku harsan yihiin. |