:: Welcome --- Simba | News in Somali

Sh. Shariif oo ku baaqay in laga wada tashado doorashada oo aan laga dhigin arrin deg deg ah
Posted on: Isniin, 12 January 2009 - Simba, Tripoli

Hogaamiyaha isbaheysiga dib u xoreynta ee fadhigiisu yahay Jabuuti, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa uu soo jeediyey in arrin deg deg ah laga dhigin doorashada haatan la qaban qaabinayo in lagu soo dhiso dowlad midnimo qaran, isagoona ku baaqay in arrintaasi laga dhigo mid laga wada tashado.

Wareysi ay la yeelatay idaacadda Simba isagoo ku sugan wadanka Libya, ayaa Sh. Shariif waxaa kaloo uu ku baaqay in aad looga fakaro mustaqbalka qaabka ay noqon karto dowladda la soo dhisayo isla markaana la'isla fiiriyo ka hor inta aan lagu dhawaaqin.

"Waxaa loo baahan yahay in si mas'uulyad ah looga fakaro qaabka doorashada" ayuu yiri Sh. Shariif "in talaabo gooni ah ay qaadato TFG-na xal kuma imaanayo".

Sh. Shariif ayaa rajo wanaagsan waxaa uu ka muujiyey in ay dhaqan galaan heshiiskii Jabuuti ay kala saxiixdeen dowaldda KMG ah iyo isbaheysiga dib u xoreynta ee uu hogaamiyo Sh. Shariif.

Si kastaba, baaqan ka soo yeeray Sh. Shariif ayaa waxaa uu ku soo aadayaa xilli, sii-hayaha madaxtinimada dowladda KMG ah uu iclaamiyey in 26-ka bishan ay noqon doonto waqtiga kama dambeysa ee la qabanayo doorashada madaxweynaha cusub, isagoona baaq u jeediyey isbaheysiga in ay soo gudbiyaan xildhibaanada cusub.

| Contact
 
Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani