Illaa '30' ruux oo ku geeriyooday dagaal qaraar oo ka dhacay degmada Guriceel ee G/Galguud
Posted on: Axad, 11 December 2009 - Simba, Guriceel
Ka dib dagaal aad u qaraar oo mar kale saaka dib uga qarxay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud, bartamaha dalka Somalia, ayaa waxaa soo baxaya qasaaraha uu geystay dagaalkaasi.
Illaa iyo haatan 30 ruux ayaa la sheegayaa in ay gaartay tirada dadka ku geeriyooday dagaalkan halka dhaawacyada ay yihiin kuwo aad u fara badan, iyadoo dagaalkan la'isku adeegsaday noocyada hubka cul culus.
Dagaalkan ayaa waxaa uu dhex maray xoogaga kala taabacsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab iyo Ahlu Sunna Waljameeca, taasoo illaa iyo haatan aysan jirin cid ka hadashay sababta dhalisay in ay dib u soo cusboonaadeen xiisadaha colaadeed.
Warar ayaa sheegaya sarkaal ka tirsan Al-Shabaab in uu geeriyooday intii ay rasaastu soconeysay, hasa ahaatee ma jiro war ka soo baxay saraakiisha Al-Shabaab oo xaqiijiyey ama beeniyey.
Si kastaba, xaaladda degmada Guriceel oo si aad ah u saameeyey dagaalkii maanta ayaa xilligan waxaa la soo sheegayaa in ay tahay mid degan, iyadoo la dareemayo raadadkii ka dhashay dagaalka oo ahaa mid aad u qaraar.
Wixii warar ah ee kusoo kordha xaaladda degmada Guriceel kala soco Radio Simba iyo www.simbanews.com |