:: Welcome --- Simba | News in Somali

Odayaasha Hawiye oo ku baaqay in la joojiyo dagaalada ka soo cusboonaaday gobolada dhexe ee dalka
Posted on: Axad, 11 December 2009 - Simba, Muqdisho

Afhayeenka Odayaasha Beelaha Hawiye, Axmed Diiriye Cali ayaa maanta shir jaraa'id waxaa uu ku qabtay magaalada Muqdisho, kaasoo uu uga hadlayey aragtidiisa ku aadan dagaalada ka soo cusboonaaday qaar ka tirsan gobolada dalka.

Axmed Diiriye ayaa fariin nabadeed waxaa uu u diray garabyada hubeysan ee haatan ku dagaalamaya qeybo ka tirsan gobolka Galguduud, iyadoo dagaal aad u qaraar markale uu saaka ka qarxay degmada Guriceel ee gobolka Galguduud.

Warkan ka soo yeeray afhayeen Odayaasha Hawiye ayaa waxaa uu dhanka kale ku soo beegmayaa xilli dagaal uu ka dhacay degmada Balcad ee gobolka Sh/Dhexe, kaasoo dhex maray xoogaga kala taabacsan dhaq dhaqaaqa Al-Shabaab iyo Maxkamadaha Islaamiga.

Axmed Diiriye ayaa xusay in nasiib darro aad u fool xun ay tahay in ay diriraan xoogaga iyagu hubka u qaatay in ciidamada shisheeya ka saaraan dalka, isagoona ugu baaqay in qaab wada hadal lagu dhameeyo wax walba oo dhaliyey khilaafka.

| Contact
 
Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani