Dadaalo nabadeed oo laga dhex wado labo beel oo hore ugu dagaalamay degmada Cadale ee G/Sh/Dhexe
Posted on: Sabti, 10 January 2009 - Simba, Cadale
Odayaasha iy Waxgaradka ku dhaqan degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe ayaa furay waan waan lagu dhex dhexaadinayo labo beel oo halkaasi ku dagaalamay dhowaan.
Dadaaladan ayaa waxaa ay yimaadeen ka dib markii labada dhinac uu ku dhex maray muran gacan ka hadal ah deegaanka Labogaras oo hoos yimaada degmada Cadale, mudooyinkii la soo dhaafay.
Odayaasha iyo Waxgaradka ku howlan dadaaladan ayaa waxaa ay baaqyo u jeediyeen labada garab in ay ka soo qeyb galaan waan waanta isla markaana ay qaataan nabadda iyo wada noolaanshaha.
Inta badan dagaal beeleedyada ka dhacay gobolada dhexe ee dalka ayaa waxaa ka dhasaya ka dib markii uu muran soo kala dhex galo beelo isku deegaan ah, kaasoo salka ku haya dhul daaqsin ah iyo ceel biyoodyo. |