:: Welcome --- Simba | News in Somali

Labo ka mid ah saraakiisha Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Galguduud oo toogasho lagu dilay
Posted on: Sabti, 10 January 2009 - Simba, Caabudwaaq

Koox hubeysan ayaa toogasho waxaa ay ku dileen labo ka tirsan Maxkadaha Islaamiga ee gobolka Galguduud habeenimadii xalay. Saraakiishan la dilay ayaa waxay ku sugnaayeen bartamaha degmada Caabudwaaq ee gobolkaasi Galguduud.

Lama oga ujeedada ka dambeysay dilkan lagula kacay saraakiil ka tirsan Maxkamadaha Islaamiga iyo weliba cidda ka dambeysa falkani dilka ah.

Sarkaal kale oo ka tirsan Maxkadaha laguna magacaabo, C/casiis Caabi Diiriye ayaa waxaa uu sheegay in weli ay ku raad joogaan cidda ka dambeysa dilkan lagula kacay saraakiil ka tirsaneyd Maxkamadaha Islaamiga ee gobolka Galguduud.

Deegaano ka tirsan gobolka Galguduud ayaa xaaladdu waxaa ay aheyd mid aad u kacsan mudooyinkan dambe, iyadoo gobolka ay si aad ah u hareeyeen dhaq dhaqaaqyo milatari.

Arrimahan, ayaa iyagu saameyn aad u balaaran waxaa ay ku yeesheen howlihii ganacsiga ee deegaanadii ay hareeyeen dagaaladii ka soconayey gobolka Galguduud, sida uu soo sheegay wariyaha idaacadda Simba.

| Contact
 
Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani