Ciidamada Ethiopia ee ku sugnaa gudaha degmada Baardheere oo u ruqaan saday duleedka degmadaasi
Posted on: Sabti, 10 December 2009 - Simba, Baardheere
Ciidamada Ethiopia ayaa fariisin cusub waxaa ay ka sameysteen duleedka degmada Baardheere ee gobolka Gedo ka dib markii ay ka soo ruqaan sadeen buundada degmada degmada Baardheere oo dhowaan ay gudaha u galeen.
Xarunta ay ka guureen ciidamada Ethiopia, gudaha degmada Baardheere, ayaa waxaa lagu arkayaa koox maleeshiyo ah kuwaasoo la tilmaamay in ay ku soo tobabarteen gudaha wadanka Ethioipia, waxayna ka amar qaataan xildhibaan Barre Hiiraale.
Maleeshiyaadkan la wareegay kontaroolka buundada Baardheere, ayaa baaritaano waxaa ay ku sameynayaan gawaarida isticmaasha buundadaasi, iyadoo buundada ay laf-dhabar u tahay isku socodka gaadiidka iyo bulshada ku dhaqan degmada Baardheere.
Dadweynaha deegaanka ayaa muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in ciidamada Ethiopia ay dib uga ruqaan sadeen gudaha degmada Baardheere ee xarunta gobolka Gedo, iyadoo adeegyadii bulshada uu saameyn balaaran ku yeeshay intii, ciidamada Ethiopia, ku sugnaayeen gudaha degmada Baardheere. |