Qarax aad u xoogan oo 'lala eegtay' ciidamada Ethiopia oo miino baaris ka waday degmada Afgooye
Posted on: Jimce, 09 December 2009 - Simba, Afgooye
Qarax aad u xoogan ayaa barqonimadii maanta waxaa laga maqlay deegaanka Lafoole ee degmada Afgooye, gobolka Sh/Hoose, halkaasoo ay ku sugnaayeen ciidamo ka tirsan askarta Ethiopia oo ku guda jiray howlo miino baaris ah.
Qaraxan ayaa waxaa ka soo baxaya warar kala duwan oo qaarkood sheegaya in in uu ahaa mid ay qarxiyeen ciidamada Ethiopia, halka wararka kale ay sheegayaan in uu ahaa mid weerara ah oo lala eegtay ciidamada Ethiopian-ka.
Qaraxan ayaa saameyn waxaa uu ku yeeshay adeegyada kala duwaanaa ee bulshada, iyadoo mudo saacado ahna hawada laga saaray adeega isgaarsiinta guud ahaan deegaanka Lafoole iyo qeybo ka tirsan degmada Afgooye.
Mas'uuliyiinta shirkadaha isgaarsiinta ayaa waxaa ay sheegeen in amar uga yimid saraakiisha ciidamada Ethiopia ay u sameeyeen talaabadasi, balse mudo ka dib ayey dib u howl gasha isgaarsiinta.
Tani ayaa waxaa ay muujineysaa in qaraxan uu ahaa mid waxyeelo ba'an u geystay ciidamada Ethiopia, hasa ahaatee illaa iyo ma jiro warar si rasmi ah u faah faahinaya qaraxa iyo qasaaraha uu geystay. |