Qasaare dhimasho iyo dhaawac oo ka dhashay dagaal beeleed ka soo cusboonaaday gobolka Sh/Dhexe
Posted on: Khamiis, 08 January 2009 - Simba, Cadale
Xiisado colaadeed ayaa la soo sheegayaa in ay ka soo cusboonaadeen deegaan ku yaala daafaha degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe, kaasoo durbadiba sababay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Inta la ogyahay hal ruux ayaa ku geeriyooday xiisadahan coladeed tiro kalena waa ay ku dhaawacmeen, ka dib markii ay isku dhaceen beelo wada dega deegaanka Labo-garas oo qiyaastii 70km u jirta degmada Cadale ee gobolka Sh/Dhexe.
Maleeshiyaad ka soo kala jeeda labada dhinac ayaa weli waxaa ay isku hor fadhiyaan halkii ay ku dirireen, iyadoo muranka uu ka dhashay ka dib markii labada dhinac ay isku qab qabteen dhul daaqsin ah.
Deegaano ka tirsan gobolka ayaa mudooyinkan waxaa caado ka noqday xiisadaha colaadeed, taasoo ay ku nafwaayeen inka badan boqol ruux tan iyo markii ay dib u soo cusboonaadeen dagaal beeleedyada. |