:: Welcome --- Simba | News in Somali

Illaa 60-gaadiidka dagaalka Itoobiyaanka oo gaaray deegaanka Yaaqbari weyne ee gobolka Sh/Hoose
Posted on: Khamiis, 08 January 2009 - Simba, Sh-Hoose

Ciidamo Itoobiyaan aad u fara badan kuwaasoo wata gaadiidka dagaalka ayaa saaka waxaa ay soo gaareen qeybo ka tirsan gobolka Sh/Hoose, ka dib markii ay ka soo gudbeen dhabaha xiriira magaalada Baydhabo iyo gobolka Sh/Hoose.

Dadweynaha ku dhaqan deegaanka Yaaqbari weyne ayaa muujinaya cabsi aad u fara badan ka dib markii ay arkeen illaa lixdan gawaarida loo yaqaano Saamtareelka oo ay leeyihiin ciidamada Ethiopia, sida uu soo sheegay wariyaha idaacadda Simba.

Waxaa ay u muuqdaan kuwo ka soo gudbi doono deegaanka Yaaqbari weyne oo saaka ay soo gaareen, balse ma cada halka ay u jiheysan doonaan.

Dhaq dhaqaaqyadan milatari ay sameynayaan ciidamada Ethiopia ayaa waxaa ay ku soo beegmayaan xilli la hadal hayey bixitaankooda guud ahaan Somalia, balse go'aankaasi ayaa dib u dhac ku yimid sida muuqata.

Socdaalka ciidamada Ethiopia ee qeybo ka tirsan gobolka Sh/Hoose, ayaa waxaa uu saameyn ku yeeshay isku socodkii gaadiidka ka dhex shaqeyn jiray gobolkaasi iyo gobolada kale ee deriska la ah.

| Contact
 
Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani