3 askari ka tirsan ilaalada gaarka ah ee Villa Somalia oo lagu dilay iska horimaad ka dhacay deg. X/weyne
Posted on: Khamiis, 08 January 2009 - Simba, Muqdisho
Seddex askari oo ka tirsan ilaalada gaarka ah xarunta madaxtooyada ee Villa Somalia ayaa geeriyootay habeenkii xalay ka dib iska horimaad ka dhacay gudaha degmada Xamar weyne ee magaalada Muqdisho.
Iska horimaadkan ayaa waxaa uu dhex maray ciidamo ka wada tirsan dowladda KMG ah, ka dib markii ay isku dhaceen qaar ka tirsan ilaalada Villa Somalia iyo booliska ka howl gala degmada X/weyne.
Askarta geeriyootay ayaa waxaa ay ka tirsanaayeen milatariga dowladda KMG ah, waxaana israsaaseynta ay timid ka dib markii ay ku kaceen falal burcadnimo ah, taasoo ay ka hortageen booliska, dadka deegaanka ayaa u sheegay idaacadda Simba.
Israsaaseynta u dhaxeysay labada dhinac ayaa laga maqlayey gudaha degmada X/weyne, taasoo dadweynaha ay isweydiinayeen waxyaabaha keenay, waxaana isbedel laga dareemay xaaladda nabad gelyo.
Ma'ahan wax ku cusub dhagaya bulshada in askar ka wada tirsan dowladda KMG ah ay isdileen ka dib markii ay israsaaseeyeen, iyadoo inta badan ciidamada milatariga lagu eedeeyo in ay dhac bareer ah kula kacaan shacabka. |