:: Welcome --- Simba | News in Somali

Askari ka tirsan ciidamada maamulka G/Sh/Hoose oo lagu dilay qarax ka dhacay deg. Afgooye
Posted on: Khamiis, 08 January 2009 - Simba, Afgooye

Inta la ogyahay askari ka tirsan ciidamada maamulka gobolka Sh/Hoose ayaa geeriyooday labo kalena waa ay dhaawacmeen ka dib markii qarax xoogan uu saaka ka dhacay gudaha degmada Afgooye ee gobolka Sh/Hoose.

Qaraxan oo ahaa bam gacmeed ayaa waxaa lala eegtay goob ay ku sugnaayeen ciidamadaasi ee boosteejada laga raaco gawaarida aada degmada Marko ee xarunta gobolka.

Qaraxan ayaa saameyn balaaran ku yeeshay dhaq dhaqaaqii ganacsiga ee hareeraha goobta, iyadoo dadweynaha ay durbadiiba ku kala carareen ka dib weerarka.

Xaaladda guud ee degmada Afgooye ayaa mudooyinkan waxaa ay aheyd mid kacsan, taasoo walwal fara badan ay ka muujinayeen bulshada ku dhaqan halkaasi, sida uu sheegayo wariyaha idaacadda Simba.

Qaraxan ka dib ayaa waxaa la maqlayey tacshiirado ay fureen ciidamada maamulka gobolka Sh/Hoose, taasoo aan la ogeyn hadii ay jiraan qasaare kale oo halkaasi ka dhashay.

| Contact
 
Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani