:: Welcome --- Simba | News in Somali

M/weyne Shariif Sheekh Axmed oo taageeray siyaasadda Mareykanka ee arrimaha Somalia
Posted on: Axad, 01 February 2009 - Simba, Addis Ababa

Madaxweynaha cusub ee Jamhuuriyadda Soomaaliyeed, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in uu taageersan yahay siyaasadda dowladda Mareykanka ee arrimaha Somalia.

Isagoo u waramayey wargeys ka soo baxa dalka Masar ayaa M/weyne Shariif Sh. Axmed waxaa uu tilmaamay in Mareykanka uu markan daacad u noqday arrimaha Somalia iyo sidii wax looga qaban lahaa in uu gacan ka geysto.

M/weyne Shariif oo ka qeyb galaya kulankiisii ugu horeeyey tan iyo markii loo doortay jagada ayaa waxaa uu cadeeyey in Mareykanka uu ka mid ahaa dowladihii doorka weyn ka qaatay shirkii guuleystay ee ka soconayey Jabuuti.

Waxaa xusid mudan in Madaxweynaha la doortay, Sheekh Shariif uu si kulul u dhaliilay siyaasadda Mareykanka ee Madaxweynihii hore, Mr. Bush, kula dhaqmi jiray arrimaha Somalia.

Si kastaba, Shariif Sh. Sheekh Axmed oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Somalia ayaa waxaa taageeray qaabka ay doorashadaasi u dhacday ururo caalami ah iyo weliba dowlado kala duwan iyadoo Mareykanka uu ka mid ahaa dowladihii ugu horeeyey ee durba soo bandhigay sida uu u aqoonsaday guusha M/weynaha Somalia.

| Contact
 
Copy Right © 2009 All Right Reservered
Designed By: Jadmaani